DAAWO; Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thaabit Cabdi oo ka hadlay dagaalka Tuka-raq

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Fataahada Wabiga Shabeelle iyo bisha Barakeysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo heyso.

Thaabit Cabdi Maxamed,Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Fatahaada Wabiga Shabeelle saameyn ay ku yeesheen Qoysas fara badan,kuwaasi oo hadda kaalmo bini-adanimo u baahan.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Mar uu soo hadal qaaday Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayuu Ganacsatada iyo dadka wax heysta ugu baaqay iney Anfuriyaan dadka Masaakiinta ah ee aan waxba heysan.

Sidoo kale.Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee udhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Thaabit Cabdi ayaa sheegay in wax lagu xumaado ay tahay in dagaalka uu ku soo aado waqti fooda nagu soo heyso bisha Barakeysan ee Ramadaan,islamarkaana markasta loo baahan yahay in miiska wada hadalka wax walba lagu dhammeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here