DAAWO; Sidee Muqdisho looga dareemayaa u diyaargarowga bisha Barakeysan ee Ramadaan?

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa si aad ah looga dareemayaa u diyaargarowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoo dad si aad ah u Dukaameysanayaan.

Suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho sida Bakaaraha,Suuq Bacaad iyo Suuqa Xamarweyne ayaa laga dareemayaa mashquulka,waxaana lagu arkayaa dadweyne fara badan oo dukaameysanaya si aysan Bisha Barakeysan Ramadaan oo maalmo haraad iyo Gaajo badan ugu soo noq noqon suuqyada.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Dadka qaar ayaa gadanaya Agabyada muhiimka u ah Soonka,waxayna qaarkood sheegeen iney ku faraxsan yihiin iney si caafimaad leh Alle ku soo gaarsiiyo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Inkastoo Bisha Barakeysan ee Ramadaan meel fog jirin ayaa hadana waxaa leysla dhexmarayaa in beri soon tahay iyo in kale,balse waxaa qasan noqoneysa in haddii beri soon noqon in la dhameystiro bisha Shacbaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads