Dhageyso:-Madaxweyne Gaas Oo Shaaciyey Nooca Doorasho Ee Sanada 2019 Ka Dhaceysa Puntland

Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxa uu ka hadlay nooca doorasho ee loo loo qorsheeyey in ay Puntland ka dhacdo Sanada 2019 markii uu waqtigiisa dhamaado.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland uu ka dhici doono isbedel doorasho sidii ay horay ugu dhacday oo kale,sidoo kalena ay wax dooran doonaan 66 Xubnood ee uu ka kooban yahay waqtigaan Baarlamaanka Maamulka Puntland.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka sugayaan jawaabta nooca doorashada ee ka dhici doonto,isla markaana ay xilligaan ku mashquulsan yihiin guddigaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,ayaa ku soo aadaya xilli horay loo shaacinayay in ay macquul tahay in Madaxweyne Gaas uu waqtiga kororsado


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads