Dhageyso: MD Farmaajo oo Fariin u diray Bulshada Reer Muqdisho kana hadlay Amniga Caasimada….

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho iney la shaqeeyaan hay’addaha amaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga caasimada keliya lagu sugi karo wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in shacabka ay meel ugu soo wada jeestaan sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee caasimada sidoo kalena ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Waxa uu tilmaamay in barnaamijka deriseynta uu ka mid yahay barnaamijyada lagu sugi karo amniga caasimada sidoo kalena lagu xoojin karo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay ka dib markii uu shalay galab degmada waaberi ka daah furay Barnaamijka Dariseynta Nabadgelyada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here