Dhageyso: Puntland oo guulo ka sheegatay dagaal saaka ay la galeyn Somaliland…

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii saakay arroortii ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Masheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Xaalada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay tahay mid degan


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads