Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Ku Wajahan Hobyo Iyo Galmudug Oo Faah Faahisay

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Isniinta Maanta ah uu ado Magalada Hobyo,isaga oyo wafdi uu hoggaaminayo sida ay Badweyn u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegayo Magalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlin doona Xubno ka socda labada Golle ee dowladda Soomaaliya waxana Hobyo ka socda diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga Magalada Hobyo aad loo adkeeyey,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug.

Waa markii ugu horreysay tan iyo markii la Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ee uu booqdo Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug,waxaana halkaasi horay u tegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here