DHAGEYSO: RW Kheyre amar ku bixiyay in la dhameystiro dastuurka si u kala cadaato Awoodaha Xukuumada & 2-Aqal

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo manta khudbad ka jeedinayay shirkweynaha Qaran ee dib u eegista Adstuurka ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhameystirka Dastuurka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in muhiim uu yahay in la dhameystiro Dastuurka Soomaaliya ee haatan qabyada ah,isaga oo shaaciyey qodobada ugu muhiimsan ee uu muhiimada u leeyahay dhameystirka Dastuurka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

“Si aan u aqbalno in dalkaan aan wada leenahay sidaas daraadeed waxaan leeyahay Waa in la dhameystiraa dastuurka,waa in la dhameystiraa dastuurka si aan dalkaan u gaarsiino doorasho qof iyo cod ah taas oo macnaheedu yahay shacabka Soomaaliyeed ay doortaan cidii ay rabaan,sikale hadaan u dhigno in awooda markale gacanta loo geliyo Shacabka,Dastuurka waa in la dhameystiro si ay u kala  cadaato Awoodaha Xukuumadda iyo tan labada Aqal.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Calioday says:

    Khayre ma isagaa awood u leh inuu ansixiyo xaanshiyo feeg(been) ah.marna ma soconeyso in waxaan jirin umada lagu khaldo.dastuurkii saxda ahaa waa la badalay.hadana waxaa la rabaa in mid gacan ku rimis ah oo aan ahayn midkii la isku ogaa laga dhigo mid saxa.waxaa la xadhig maleegayaa sidii loo matin habaabin umada nadaamkii fadaraalka ahaana loo minjo xaabin lahaa umadu way ka dharagsan tahay.




ads