Dhageyso: RW Kheyre oo si la yaab leh ula dhaqmay Askari dhageysan waayey Khudbd uu jeedinayay Balse…

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyey in ciidamadiisii Booliska ee laga keenay lagu celiyo askari xilli uu khubad u jeedinayay dhageysan waayey oo la sheegay inuu hoos ula hadlay askari kale.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Arrintan oo dhacday maalintii shalay ahayd markii R/wasaaruhu booqday ciidamo loo diyaariyey sugidda amniga Muqdisho, wuxuuna si kulul u bahdilay askariga isagoo si kulul ula hadlay, waxaan amarradii uu siiyay ka mid ahaa: BAX.

“Istaag sow anigu ma hadlayo, intee ka tirsan tahay orod bax u tag Booliskaadii, haddii uusan garan karin marka R/wasaaraha hadlayo inuu dhageyso, looma baahna inuu amniga magaalada sugo’sow sidaas maaha. SACAB” ayuu yiri R/wasaare Kheyre.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads