DHAGEYSO:-Wasiir Qarjab oo Soo Jeediyey in Xabsiga Ladhigo Odayaal iyo Dhalinyaro Dhib Kuhaya Garoowe

Muddooyinkii ugu dambeeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland waxaa siweyn looga cabanayey isku qabsiga dhulka iyo dad shacab ah oo bilaabay inay jeexdaan dhulkii xoolo daaqeenka ahaa ee ku hareeraysnaa magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda.

Haddaba wasiirka warfaafinta dowladda Puuntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horay u soo noqday wasiirka amniga Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa kula taliyey shacabka degmada Garoowe inay maamulka cusub ee degmada iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii dadka boobka dhulka caadaystay gacanta loogu qaban lahaa.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads