Dhageyso:-Xildhibaanada Aqalka Sare oo ku dhagan Xukuumada RW kheyre….

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cabasho ka keenay in aan lagu darin Xubnaha Aqalka Sare guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee Xukuumaddu Magacaawday.

Guddigaas ayaa waxa uu ka kooban yahay 22 Xubnood,waxana gudoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sanetor Maxamed Cusmaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegay in uula yaabanahay waxa Xildhibaanada Aqalka Sare looga reebay in ay ka mid noqdaan Guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga.

“Xaqiiqdii guddiga gurmadka qaranka waxa ku jira xidlhibaanada golaha Shacabka,culuma’udiinka iyo Bulshada rayidka laakin hal xubin oo Aqalka Sare kuma jirto,runtii ra’iisul wasaare ku xigeenka maalin dhaweyd markii uu baxayay Garoonka ayaan joogay laakin waa leyga tegay xildhibaano golaha Shacbaka ayaa la waday “ayuu yiri Sanetor Maxamed Cusmaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalma kahor waxa ay magacaawday guddiga gurmadka dadka uu saameeyey fahadaha wabiyada,waxana guddigaas ay tageen magaalooyinka Baladweyne iyo Baardheere ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here