DHAGEYSO Xog full ah Sawir Qaabkii loo afduubtay gabdhii Cadaanka ahayd oo ICRC ushaqeneyse iyo warar shegaayo in…

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho afduub ay ilaaladeeda u geysteen haweeney u dhalatay dalka Jarmalka taas oo aheyd kal-kaaliso u shaqeyneysay hay`adda ICRC islamarkaana ku sugneyd Muqdisho mudo labo isbuul ah.

Saraakiisha amniga ee dowladda ayaa sheegay in afduubka haweenaydan ay ka dambeeyeen ilaalada hayaddaasi , waxaana ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen gaarigii kow lagula baxsaday oo markii dambe ey wadada uga tageen dabadeedna ku badashay gaari kale.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Ma cadda wali sababta ay ilaalada u afduubteen haweeneydan, balse hay`adahaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan shakhsiyaadka lagu tuhmayo afduubta oo ay qaarkood magcohooda hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here