Dhageyso: Xog naga soo gaartay dagaal Goordhaw ka dhacay Muqdisho….

Ugu yaraan Hal qof ayaa geeriyooday halka ay afar kale ku dhaawacmeen kaddib markii Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay maanta ku dagaallameen Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Isku dhaca ayaa ka billowday Dhisme Guri oo laga waday Xaafadda Kaawo Godeey ee Degada Dharkenley,waxaana khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay uu kala yahay dhimashada askari ka mid ah dhinacyada dagaallamay Dhaawaca afar qof oo uu mid Askari yahay iyo saddex Carruur ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Mid ka mid ah Dadka Deggan Xaafadda Kaawo Godeey ayaa sheegay amniga xaafaddooda ay dhibaato ku hayaan Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda iyo Malleeshiyo beeleed dhowr jeer ku dagaallamay Xaafaddooda.

Waxaa uu Dowladda ka codsaday in ay ka dulqaaddo Ciidamada halkaas deggan ee sida Qabiilka mararka qaar u dagaallama islamarkaana ay waxyeellada ugu weyn u geysta Dadka Rayidka ah ee Xaafadda Deggan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads