Dhageyso: Xukuumada oo Fariin Culus u dirtay Arday Soomaaliyeed Xili Qishka Imtixaanka…

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa kaga digay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in ay dhibaato kala kulmaan waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan Imtixaanka dowladdu qaadi doonto 19-ka Bishaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad marin habaabinaya Ardayda, islamarkaana doonaya in ay ka iibsadaan waxyaabo aan sax aheyn, islamarkaana aan aheyn Imtixaankii ay diyaarisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay arintaasi ay ka muujiyaan Feejignaan si aysan dhibaato u kala kulmin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatadda soo gaartay Ardayda wax ka barata Magaalada Beledweyne, islamarkaana dib loo dhigay Imtixaankii Ardayda Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here