DHAGEYSO:Ciidamada dowlada oo bilaabay sheegashada kooxda ugu halista badan caalamka iyo dad argagax ka qaaday

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed ayaa waxa uu sheegay in ciidanka ammaanka degaanka ay gacanta ku dhigeen burcad hubeysan oo dhibaato ku heysay shacabka degan degaanka.

Wuxuu sheegay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib markii ay si adag u shaqeeyeen ciidanka ammaanka, ragga la soo qabtay oo ku jira gacanta Hay’adaha ammaanka ayuu tilmaamay in ay gaarayaan ilaa laba nin oo hubeysan,watana dareeska ciidanka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sidoo kale wuxuu sheegay raggan in ay dhibaato ku hayeen shacabka ku dhaqan degaanka oo ay ugu hanjabayeen in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen, balse markii dambe la ogaaday in ay yihin ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

“Ciidanka ammaanka waxay ku guuleysteen in ay soo qabtaan niman burcad ah oo ku labisan dareeska Millitariga, sheegtay in ay Daacish yihiin, guryo xabadeeyay, guryo kale oo dhisme ka socotay joojiyay, intaasi kadib maamulka iyo Hay’adaha ammaanka ayaa ku baxay gacanta ayaa lagu soo dhigay sharciga ayaa la horgeyn doonaa.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.

Maamulka Garasbaaley ayaa sheegay ugu dambeyn in ay xoojinayaan ammaanka degaanka Garasbaaley inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago falal ka baxsan ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here