DHAGEYSO:Taliyaha ciidamada xoogan oo Amar kubixiyay in gudoomiyaasha gobolka Banaadir laxiro hadii degmadooda lagu….

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa marka hore sheegay in magalada Muqdisho xilligaan ay tahay mid qashin uu ka buuxo,isla markaana taasi aysan macquul aheyn.

Waxa uu sheegay taliyuhu in Magaladu Muqdisho ay tahay mid dayacan oo lagu arkayo qashin farabadan taasina ay masuul ka yihiin Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka gaabiyey in shacabkooda ay ku dhiirageliyaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Runtii aniga maba aqbaleyn in magalada in ay qashin u dayacan tahay,waxad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana masuul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Hadalka taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho eng,Cabdiraxmaan Yariisow uu mar walba sheego in muhiimada 1aad ee gobolka Banaadir uu yahay dhanka nadaafada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads