DHAGEYSO:Xildhibaanada Galmudug oo isku khilaafsan mudo xileedka Madaxweyne Xaaf

Xildhibaan Xasan Maxamed Gelle oo kamid  xildhibanada Galmudug horayna usoo noqday gudoomiyaha doorashadii madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay wadaan mudo kordhin aan sharciyeysnayn oo uu sheegay in ay u sameeynayaan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waxa uu sheegay in dastuurka galmudug uu qabo in madaxweyne Xaaf uu dhameysto mudo xileedkii ka harsan madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabdikariin Xuseen Gulleed maadama sida uu sheegay madaxweynaha haatan talada haya uu ku yimid iscasilaad uu horey isku casilay Cabdikariin Guleed madaxweynihii hore Galmudug.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Dhinaca kale xildhibaan Xasan Maxamed Gelle ayaa eedeyn u jeediyay Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Galmudug kuwaas oo uu sheegay in ay xoogga saarayaan sidii madaxweyne Xaaf uu mudo kordhin u sameyn lahaa si buu yiri ay dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda sanadka 2020.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in muran uu ka taagan yahay mudo xileedka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf” oo xildhibaano taageersan madaxweynaha ay doonayaan in ay mudo kordhin u sameeyaan madaxweynaha Galmudug.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads