Dhagyso:-Maxaa Ka Jira Guddomiyaha Baarlamanka HirShabeelle In Uu Lunsaday Lacag Loogu Talo Galay Dadkii Ku Waxyeeloobay Qarixii Zoobe?

Maalma kahor ayaa Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle waxa ay guddoomiya Baarlamaanka maamulkaas ku eedeeyeen in uu lun saday lacag loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe.

Xildhibaannadaas oo qaarkood la hadlay Dalan ayaa waxa ay sheegayeen in lacagtaas ay gacanta u gashay guddoomiye Cusmaan Barre,isla markaana sidii uu doono uu ka yeeshay.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre oo Badweyn la hadlay ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid baran bagaando ah,isla markaana dad ay buun buuniyeen sidoo kale aysan jirin wax khialaf ah oo isaga kala dhaxeeya Xildhibaannada.

Waxa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay jireen warar Warbaahinnada qaarkood ay baahinayeen oo ahaa in mooshin laga wado isaga balse uu sheegay in xildhibaanadii eeda u jeediyey ay raalin geli ka bixiyeen maadaama ay ka beens heegeen sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa markii uu dib ugu laabtay jowhar dhowr todobaad ka hor waa uu sheegay in khilaafka soo kala dhexgala Madaxda Hir-Shabeelle uu keeni karo bur bur ku yimaada Maamulka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads