Dowladda Sacuudiga Oo Shaacisay Mowqifkeeda Safaaradda Maraykanka Ee Magaallada Quddus…

Golaha Wasiiradda ee dalka Sacuudiga waxay maanta gaashaanka ku dhufteen Go’aankii ay Dowladda Maraykanka safaaradoodii ku taallay Yuhuudda u soo wareejiyeen Magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Warbaahinta Sacuudiga weaxay maanta baahiyeen Mowqifka ay Dowladda Saxuudiga kaga soo horjeedaan Furitaanka Safaaradaasi, oo hal maalin ka hor laga furay magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Sacuudiga waxay sheegeen inay Tallaabadaasi xad-gudub ku tahay Taariikhiyan iyo Xuquuqda joogtada ee dadka Falastiin ee magaalladda Quddus.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay shalay cambaaraysay falkii ay Aaksrta Yuhuudda ku dileen ku-dhawaad 60- Falastiiniyiin ah oo ka qeyb galayey Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Quddus.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads