Maxaadan Ogeyn oo caawa ka cusub deegaanka Tukaraq,P/land & S/land oo Hubkii ugu badnaa geeyay…?

Wararka caawa naga soo gaarayo deegaanka Tukaraq oo ay maanta ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay Xiisad heerkii ugu sareysay ah, waxaana adag in la ogaado sidda ay xaaladu tahay.

Saraakiil katirsan labada dhinacba waxay  cadeeyeen in uu jiro khasaare leh, dhimasho, dhaawac iyo Hanti la kala qabsaday intii uu socday dagaaladii xooga badnaa ee maanta dhacay.

Wararku waxay sheegayaan in tiradda dhimashada guud ay isku tahay 45 qof kuwaas oo ah dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka maanta, dhaawacyada ayaa gaaraya isku dar guud in ka badan 75 Askari.

Gurmadyo xoog badan ayaa u imaanaya dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxaana meel adag gaaray xiisadda oo dagaal rasmi ah hadda isku bedeshay.

Ciidanka Somaliland ayaa hub culus ku garaacay deegaanada lagu dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here