MUUQAAL: Kulankii dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi oo Hogaaminayo Booqasho rasmi ah ku yimid Qatar ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar ayaa Kulan Balaadhan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar.

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA VIDEO

Madaxwayne Farmaajo ayaa ugu horayn uga mahad celiyey Shacabka Soomaaliyeed Taageerada ay Dawladnimada u hayaan, Wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Madaxda iyo Shacabka Midnimada, Wuxuuna sheegay in kala qaybsanaanta uu Cadowgu ka Faa’iidaysanayo.

Isagoo ka hadlayey Arimaha Amniga ayuu sheegay inay Dawladda ka go’antahay in la helo Ciidamo Awood leh oo Hanta Guud ahaanba Amniga Qaranka, Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin Dawladda dhabta ah, Iyadoona looga Baahan yahay inay difaacdaan Dawladooda, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Madaxwaynuhu muhiimada ay leedahay Wadashaqayntu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here