SAWIRO: Cad dheemanka Buluuga ah oo lagu kala iibsaday lacag Waali ah…

Cad yar dheemanka buluugga ah oo ah nooca dhifka iyo naadirka ah, kaas oo 300 sano ee lasoo dhaafay laga isticmaali jiray qasriyada boqortooyooyinka Yurub ayaa la kala siistay lacag dhan $6.7 milyan oo doolar.

Dheemankan ayaa lagu kala iibsaday carwo xaraash ah oo ka dhacday magaalada Geneva.

Dheemankan waxaa lagu magacaabaa Farnese Blue, waxaana hadiyad loo siiyay Elizabeth Farnese oo ahayd gabadha boqorkii Parma, kadib markii ay guursatay Philip V oo reer Spain ahaa sanadkii 1715-kii.

Kadib muddo qarniyo ah ayuu dheemankan u kala gooshay dalalka Spain, France, Talyaaniga illaa Australia.

Waxa uu cabbir ahaan dhanyahay 6.1 carat ee miisaanka dheemanka, waxaana asal ahaan laga soo qoday godadka caanka ah ee Golconda ee dalka Hindiya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads