War Deg Deg ah oo naga soo gaaray Baladweyne, Saraakiil iyo Shacab gaari ay saarnaayeen Webiga ku dhacay..[Dhageyso]

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in gaari Cagaf ah oo ka qayb qaadanayay gurmadka dadka ku xayiran magaalada in uu saraakiil iyo dad shacab ah uu kula gadoomay Buundada Beledweyne.

Gudoomiyaha magaalada Beledweyne Maxamed Cismaan Macalin Qalaafoow ayaa xaqiijiyay in Cagafta ku rogmatay Buundada in ay siday Saraakiil iyo dad shacab ah khasaarana uu ka dhashay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in Saraakiisha iyo dadki saarnaa oo dhan in ay ku daateen Webiga,Dhinaca kale waxa uu sheegay in la soo badbaadiyay Saraakiisha iyo dadka hase,ahaatee uu dhaawac soo gaaray qaar kood halka hal qof oo kalana uu ku dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here