Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Somaliland & Puntland oo dib Goordhaw dib u bilawday..

Wararka haanta Naga soo gaadhaya goobaha ay Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ku sugan yihiin ee Gobolka Sool ayaa sheegay inuu mar kale dib halkaasi dagaal uga Bilowday, Iyadoo dagaalkii shalay uu ka dhashay Khasaare kala duwan.

Hub Culus oo ay isku adeegsanayaan Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ayaa laga maqlayaa Aaga Tukaraq.

Isku socodkii gaadiidka ee magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe ayaa istaagay, mana jirto cid isku gudbaysa.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, Mana jirto cid Xaqiijin karta Khasaaraha dhabta ee kala gaadhay Labada dhinac.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads