Xildhibaan ladhashay wasiir Cabaas Siraaji oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Nairobi lana dhigay…

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo ka tirsan BFS ayaa shalay subax la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Ciiddan ka tirsan Boliska dalkaasi jir-dileen.

Xildhibaanka oo ay Walaalo ahaayeen Wasiirkii la dilay ee  Cabaas Sheekh Maxamuud Siraaji waxaa Waaberigii hore ee shalay Isbitaalka la dhigay isagoo ay  dhaawacyo culus ,ka soo gaareen jir-dilkaasi.

Saraakiisha Boliska ee tacadigaasi u geystay Xildhibaan Siraaji ayaa sheegay inay ka shakiyeen inuu gaariga uu la socday Xildhibaanka la soo xaday.

“Xildhibaanka waxay Boliska soo weerareen kadib, markii uu nin ay saaxiib yihiin ku soo dejiyey Xaafadda Westland ee magaalladda Nairobi, wuxuuna Xildhibaanka ka badbaaday dhimasho” ayaa lagu yiri farriin uu Saxafi fadhigiisu yahay magaalladda Nairobi u soo diray Shabakada Badweyn.com.

Weriye ka tirsan Badweyn oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inay Boliska Kenya u xaqiijiyeen inuu dhacay Shilkaasi, waxayma  sheegeen inay xilligaasi baacsanayeen Gaari noociisu yahay TOYOTA LEXUS oo loo sheegay in laga soo xaday Kiambu.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji waxa uu xilligii ay Boliska dhaawaceen watay Gaari uu soo kireystay oo noociisu ahaa TOYOTA RAV4, mana kala cadda sababta ay Boliska Kenya u beegsadeen.

Qof la socday Xildhibaanka ayaa sheegay inay isaga  ilaa 2,000 oo Dollar kaga luntay inta ay Boliska baarayeen.

Xildhibaan Maxamuud Sheekh Siraaji oo bishii Feberaayo ee sannadkan loo doortay Xilkaasi waxa uu weli ku jiraa Isbitaal ku yaalla magaalladda Nairobi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here