XOG: C/wali Gaas oo si deg deg ah ugu laabanaya Garowe & shir caawa ka socda Baydhabo

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in madaxweynha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu qorsheynayo inuu soo gabagabeeyo booqashada uu ku joogo magaalada Baydhabo ee uu kaga qeyb galayo shirk madasha Golaha Amniga Qaranka.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in caawa shir Albaabada u xiran yahay ay leeyihiin shanta madaxweyne maamul Goboleed ee ku uruursan magaalada Baydhabo,waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq.

Warar hoose oo ay heleyso Badweyn.com ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu saaxiibadiisa ka dalbaday in la dedejiyo shirka si uu dub ugu laabto magaalada Garowe,maadama dagaal u dhaxeeya Ciidankiisa iyo kuwa Maamulka Somaliland uu ka socda deegaanka Tukaraq oo Labada Maamul ay isku heystaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq ku aadan in la joojiyo dagaalka soo saaray,wuxuuna Maamulada is haya ugu baaqay iney miiska wada hadalka fariistaan si xal kama danbeys looga gaaro dagaalada soo noq noqday.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa midba midka kale hawada u mariyay hadalo kul kulul oo ku aadan iney dagaalka iyagu ka danbeeyaan.

Shacabkii badi ku sugnaa deegaanka ayaa barakacay,wuxuuna deegaanka hadda uu noqday furin dagaal.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads