XOG Cod: Madaxda maamul goboleedyada oo soo saari doona go’aanno niyad jab ku ah DFS

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka furmaya shirka madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaana looga hadlayaa oo kaliya arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan ka dhan ah DFS.

Inkastoo madaxda maamul goboleedyada qaar ay ka cago jiidayaan shirkan, sida madaxweynaha Hirshabelle ayaa hadana waxaa lama huraan ah iney dhinac ka noqdaan go’aannada soo baxa.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xogta aan heleyno ayaa waxay shegayaan in shirkan lagu tageeri doono Imaaraadka Carabta, sidoo kalena lagu shaacin doono qodobo aanay ku farxin dowladda Federaalka.

Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa wada qorshaha ugu weyn ee ka dhanka ah dowladda Federaalka, kadib markii ay lacago kasoo qaateen Imaaraadka Carabta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads