XOG Cusub Muqdisho oo laga baadi goobayo hubkii ay ku dhex fasaxeen Imaaraadka

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda Howlgalo lagu baadi-Goobaayo Hub la sheegay in dhawaan laga saaray Xerada uu Imaaraadka ku tababari jiray Ciidamada Dowlada.

Howlgalka Hubkaani lagu raadinaayo ayaa si xooli ah uga socda Degmooyinka Wardhiigley, Waabari, Hodan iyo Xamar-weyne oo ay ku yaalan goobo si qarsoodi ah loogu iibsho Hubka sharci darada ah.

Ciidamada qaar ee Howlgalka wada ayaa si toosa u abaaraya guryaha shaqsiyaad gaara oo la sheegay inay iibiyaan Hubka sharci darada ah.

Hubka ay sida aadka ah u baadi-Goobayaal ciidamada ayaa ah kuwa cusub ee dhawaan laga bililaqeystay Xerada laga eryay Imaaraadka ee lagu tababaraayay ciidamada, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Suuqyada ay hadda gaareen Hub badan oo maalmahaani la qarinaayay.

Wasaarada amniga Qaranka ayaa horboodeysa qaar kamid ah Howlgalada ka socda magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ka qeybqaadanaaya ciidamada Xasilinta oo ka kooban dhammaan Hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Wasaarada amniga ayaa qeybo lagu keydiyo Hubkaasi u sameysay si aan loogu khaldin Hubka ay sida gaarka ah u leedahay Dowlada Somalia, maadaama kuwaani ay yihiin sharci darro.

Ma cadda sida laga yeeli doono Hubka kale ee ku jira magaalada kuwaasi oo qaarkood gaaray maleeshiyada al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here