Xog: Madaxda M/gobaleedyada oo maanta ka doodaya Sedax Qodob qarsoodi ah Aadna u halis badan…

Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada ee ku shiraya magaalada Baydhabo ayaa maanta ka doodaya qodobo xasaasi ah saxaafadana laga qarxiyay iyadoo warbaahinta maanta laga mamnuucay in ay gudaha u galaan hoolka uu shirka ka socdo.

Shirka maamul Gobaleedyada oo shalay furmay ayaa maanta lagu wadaa in lasoo afjaro lagana soo saaro War-murtiyeed balse waxaa muuqata in madaxda maamul gobaleedyada ay ka hortagayaan dagaal kaga soo wajahan dhanka Villa Somalia.

Sedaxda qodob qarsoodiga ah ee maanta Madaxda maamul gobaleedyada ka shirayaan ayaa kala ah:

1-Sidee looga hortagi lahaa qorshe Villa Somalia Xilka uga qaadeyso Gaas, A.Madoobe iyo Shariif Xasan oo dhamaadka Sanadkaan doorasho galaya.
2-Sidee DF Somalia cadaadis loogu saari lahaa in dib loo soo celiyo xariirka Imaaraadka iyo Somalia.
3-in xariirka loo jaro Dowlada dhaxe hadii ay u hogaansami weyso qodobada ay ku hishiiyeen Madaxda Maamul gobaleedyada.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads