XOG:RW Kheyre oo xilka qaadis kusameyn rabo mid kamid ah wasiirada ugu saameynta badan Golahiisa

Sida ay shegayaan wararka aan ka heleyno xafiiska Xasan Cali Kheyre ra’isulwasaaraha dalka soomaaliya ayaa shegaayo in oo qorsheynaayo xilka qaadista wasiirka arimaha dibada.

Wasiirka ayaa lasheegay in kala aragti duwanaasho siyaasadadeed soo kala dhex gashay asaga iyo kooxda talada heyso madaama oo wasiirka oo damacsanyahay in xiriirka Imaaraadka la xumeyn.

Wasiir Cawad ayaa lasheegay in madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha dhowr jeer kala hadlay in xiriirka Imaaraadka carabta aan la xumeyn oo la xoojiyo lana dhameeyo waxyaabaha haatan khilaafka dhaliyay.

Kala aragti duwanaashaha ayaa si rasmi ah usoo shaac baxday maalin kahor kadib markii wasiirka arimaha dibada garoonka Muqdisho looga tagay xili oo kamid ahaa wafdiga madaxweyne Farmaajo oo usocdalaaye dalka Qadar.

Xogta ayaa sheegeyso in ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre baadi goobaayo shaqsiga oo ku badali doono wasiir Cawad waxaana laga yabaa isku shaadheynta golaha wasiirada iyo magacaabista wasiirada cusub in kasoo hormaro.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads