Akhriso: Liiska magacyada iyo Madaxda 15-ka xisbi siyaasadeed ee Somalia loo diiwaan-geliyey..

Illaa hadda, guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa uu si KMG ah u diiwaan-geliyey 15 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo qeyb ka ah nidaamka xisbiyada badan ee dalka.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada 15-ka xisbi siyaasadeed iyo guddoomiyeyaashooda.

1. Xisbiga Garsoor,Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.
2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.
3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.
4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.
5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed ,waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe.
6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed, Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden.
7. Xisbiga Horumarinta;Waxaa guddoomiye u ah Suleymaan.
8. Wadajir: Waxaa Guddoomiye u ah Kamaal Guutaale. Waa xisbi Mucaarad ah, xaruntiisa waa Muqdisho.
9. Samu Waxaa guddoomiye u ah Aweys Xaaji Xuseen Honero, waxaa uu matalaa Jareer-weyne,
10. Tiir Xisbiga waxaa guddoomiye u ah Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, horay waxaa uu usoo noqday wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska, xaruntiisa waa Muqdisho.
11. Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka,Waxaa guddoomiye u ah Dr. Maxamed Macalin Xasan.
12. Xibiga Cadaaladda iyo Badbaadada, Waxaa guddoomiye u ah Maxamud Macalin Nuur.
13. Xibiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed, Waxaa G/k u ah Maxamud Maxamed Muuse.
14. Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, Waxaa Hogheyaha guud ka ah: Cabdiqadir Amin Axmed.
15. Xisbiga Xal-qaran, Waxaa Guddoomiye u ah Maxamed Macalin Cali.

Axsaabtan siyaasadeed waxaa loo diiwaan-geliyay si KMG ah, waxaana la filayaa in ay tirada intan ka soo badato bilaha soo socota.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads