Al-Shabaab oo Guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay G/Baay…

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ay Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin Gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay gudaha magaalada, ciidamada Al Shabaab ayaa xoog ku galay saldhig melleteri.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Addulus ayaa sheegtay in weerar qorsheysan lagu dilay ugu yaraan 2 Askari “Howlgal Mujaahidiintu ka fuliyeen Qansaxdheere waxaa lagu dilay laba katirsan murtadiinta” ayaa lagu yiri war lagasii daayay idacadda.

Tan iyo bilashii bisha barakeysan ee Ramadaan ayay sii xoogeysanayeen weerarada ka dhanka ah ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna weeraradaasi ka dhacayeen Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here