AMISOM Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Al Shabaab…

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose.

Howlgalladan ayey Ciidamada AMISOM uga gol leeyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Al Shabaab ay ka soo qaadi karaan gobolkaasi inta lagu gudajiro maalmaha Ciidul-Fidriga.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladaasi ay ka bilowdeen deegaano iyo degmooyin ay ka mid yhiin Afgooye, Laantabuure, Lafoole iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalladan ayaa imaanaya xilli dhawaan Al Shabaab weerar dhaba gal ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here