DAAWO: Muuse Biixi oo Farriin culus u diray dadka Reer Puntland ee wada Qeylo-dhaanta Qabiilka ku saleysan…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa farriin culus u diray dadka kasoo jeeda Puntland ee sida uu sheegay qeylo dhaanta ku saleysan qabiilka iyo isirka beeleed wada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA:

“Dadka Soomaaliya ka tirsan, gaar ahaan Puntland ee qayladhaanta dheer ee qabaliga ah ee isirka ah wada, waxa aan leeyahay, waxa ka wanaagsan innaga oo is-kaashanna oo laba qaran iyo laba dawladood oo walaalo ah oo isku Af ah oo isku Diin ah oo wax is-tara noqonna “ayuu yiri Muuse Biixi oo ka hadlayay magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu sii kordhayo abaabulka iyo ololaha ku saabsan dagaalka u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntand ee ka taagan Gobolka Sool, kaasoo Puntland lagu eedeeyay inay qaab beeleed u bedeshay khilaafka labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here