Dhageyso: 20-Dagaal yahano iyo Saraakiil Shabaab ah oo la dilay iyo warar sheegaya…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal yahano laga dilay Kooxda Shabaab, Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen hawlgal ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo in ay ku dileen in ka badan Labaatan dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo Ciidanka Mareykanka, laguna jabiyay Shabaabkii ku sugnaa deegaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid sida ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga Baar-sanguuni, ciidamadana aanay jirin khasaare buuran oo dagaalkaasi ka soo gaaray.

Wuxuu sheegay inta uu hawlgalka socday in ciidamada ay u suuragashay in ay dib u soo celiyaan gacan ku heynta deegaanka, dibna looga saaray Shabaabkii deegaanka ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here