DHAGEYSO: Ardayda Reer P/land oo la Amray in ay kasoo baxaan Deegaanada S/land…

Guddiga Difaaca maamulka Puntland ayaa markale ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay dabada ka riixayaan dagaallada ka socda degaano ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay amar ku bixisay in la laayo dhammaan dhalinyaradda kasoo jeedda Soomaaliya ee waxkabarata degaanada Somaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Puntland ayaa sheegtay in Deegaanada Soomaliland ay waxka bartaan arday gaaraysa 900 oo arday.

Waxayna ugu baqeen in ay ka soo tagaan oo ay ku soo laabtaa degaanada puntland maadaama Soomaliland ay ku dhawaaqday in ay laynayaan Ardayda Jaamacadaha waxka barta, ayadoo laga Codsaday jaamacaha ardadaas waxka bartaaan in ay Simistarada u dhiman ay Puntland ugu soo wareejiyaan.

Gudiga difaaca Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay eedeymo badan u jeediyay Somaliland,iyadoona ay xusid mudan in Somaliland dhammaan ay beenisay Eedeymaha loosoo jeediyay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads