Dhageyso: Caalim”Shirka Ka Socda Baydhabo waxaa uu ku socdaa Wadadii Fashilka…”

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa rajo xumo ka muujiyey shirka golaha amniga qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Caalim in shirkaan iyo kuwo la mid ah ay horey dalka uga dhaceen, balse aan la arag natiijo kasoo baxday.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Waxa uu tilmaamay Caalim in loo baahan yahay in laga miro dhaliyo shir walba waxa kasoo baxa, balse aan la dooneyn shir qoraal ku eg.

Sidoo kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee jirta ay tahay fulin la’aanta heshiisyada qaranka ee la gaaro.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads