DHAGEYSO: Ciidamo Ka Goostay S/Land Oo Ku biiray Puntland xili xiisad dagaal…

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay u goosteen dhanka maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ciidamadan oo tiro ahaan kor u dhafaya 10 ayaa la sheegay in ay iska dhiibeen magaalada Taleex ee gobolka Sool.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Faarax Maxamuud Warsame oo soo dhaweeyay Ciidamadaasi ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin kuwa maamulkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli weli xiisad u dhexeysa labada maamul ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here