DHAGEYSO: DF oo diyaarisay Xeelad cusub oo looga hortagayo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho…

Iyadoo labadii maalin ee ugu danbeysay inta badan wadooyinka magaalada muqdisho ay u xirnayeen laamaha amniga dowladda soomaaliya arimo la xiriira sugida amaanka magaalada ayaa waxaa isoo tarayay baaqyada kala duwan ee shacabka ay u dirayaan dowladda soomaaliya, iyaga oo ka dalbanayay in wax laga qabto amni xumada magaalada ama in dib loogu furo wadooyinka ee wali xiran.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay  dilalka qorsheysan ee magaalada muqdisho mudooyinkan ugu dhacayay qabab kala gedisan oo lagula kacayay askar Saraakiil Nabadoono iyo dad rayid aan waxba galabsan ayaa waxa ka hadlay mudane katirsan baarlamaanka.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada muqdisho, iyada oo laamaha amniga dowladda ay xireen dhamaan wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka iyo ganacsiga.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo sii hadlayay ayaa fariin adag u diray kooxaha dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada muqdisho ka danbeeya , waxuuna laamaha amaanka kula dar daarmay in ay gacanta ku dhigaan amniga, maadaama nasiib daro tahay in dilalka dhacan wadooyinkana xirnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here