Dhageyso: DF Somalia oo la timid qorshe ay uga hortageyso Dilalka Muqdisho & Xildhibaan Runta Sheegay…

Iyadoo labadii maalin ee ugu danbeysay inta badan wadooyinka magaalada muqdisho ay u xirnayeen laamaha amniga dowladda soomaaliya arimo la xiriira sugida amaanka magaalada ayaa waxaa isoo tarayay baaqyada kala duwan ee shacabka ay u dirayaan dowladda soomaaliya, iyaga oo ka dalbanayay in wax laga qabto amni xumada magaalada ama in dib loogu furo wadooyinka ee wali xiran.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilalka qorsheysan ee magaalada muqdisho mudooyinkan ugu dhacayay qabab kala gedisan oo lagula kacayay askar Saraakiil Nabadoono iyo dad rayid aan waxba galabsan ayaa waxa ka hadlay mudane katirsan baarlamaanka.

Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada muqdisho, iyada oo laamaha amniga dowladda ay xireen dhamaan wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka iyo ganacsiga.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo sii hadlayay ayaa fariin adag u diray kooxaha dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada muqdisho ka danbeeya , waxuuna laamaha amaanka kula dar daarmay in ay gacanta ku dhigaan amniga, maadaama nasiib daro tahay in dilalka dhacan wadooyinkana xirnaadaan.

Bisha barakeysan ee ramadaan curashadeeda waxaa daba socday dilal qorsheysan oo is daba joog ah oo ka dhacayay magaalada muqdisho, sido kale laamaha amaanka ayaa xiray inta badan wadooyinka muhiimka ee magaalada, halka wadooyinkii kale ee gadiidka ay mari lahayeen uu jaray roobabkii xooganaa ee ka da’ayay magaalada muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here