Dhageyso:-Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Shaaciyey Xog Xasaasi ah ku saabsan khilaafka Galmudug…

Weli waxaan xal laga gaarin khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedka Galmudug,iyada oo ay kala degan yihiin Madaxda Iskhilaafsan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Xubnaha ku sugan Cadaado oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa waxa ay sheegayaan in la hareer maray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug ee dalka Jabuuti.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in heshiiskaas ay muhiim tahay in marka hore la marsiiyo Baarlaamanka Galmudug si ay u meel mariyaan intaasi kadibna lagu dhaqmi doono.

Waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug uu yahay mid uu dhistay dadkiisa,isla markaana uusan aheyn mid Shaqsiyaad gaar ah ay sidii ay doonaan ay ka yeelanayaan sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba dowladda Soomaaliya ayaa haatan diyaarineysa siii khilaafkaas xal looga gaari laaha,waxana shalay Cadaado ka furmay kal-fadhigii 7aad ee Baarlaamnka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here