Dhageyso: MD Farmaajo Oo Taageeray Mid Ka Mid Ah Qodobada Shirkii Amniga Qaranka..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey go’aankii lagu gaarey shirkii Amniga ee lagu soo gaba gabeeyey Baydhabo ee ahaa in Sanada 2020-ka dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODK:

Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan uu jiro qosrhooyin loogu diyaar garoobayo doorashadaas oo ay wadaan guddigii loo xilsaaray,iyaga oo kaashanaya Madaxda Dowlad goboleedyada.

“Runtii waxaad ogtihiin in ay caada ahaan jirtay in waqtiyada doorashooyinka ay dhaw yihiin in or orod la galo kadibna wax walba ay faraha ka baxaan,laakin anaga oo Hal Sano iyo Afar Bilood joogno ayaan waxan go’aan ku qaadanay in aan ka howlgalno qaabkii loo geli lahaa doorasho qof iyo cod ah,waxayna ku timid hoggaan sax ah oo ka yimid dhanka dowlad goboleedyada ayuu yiri Madaxweynaha.

Sikastaba Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu xilka la wareegayay waxa uu balan qaaday in uu dalka gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah oo haatan laga sugayo balse dadka Siyaasada taxliiliya ayaa aaminsan in taasi aysan dhici karin maadaama weli qeybo ka mid ah dalka ay maamulayaan dhinacyada dowladda ka soo horjeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here