Dhageyso:-Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Ciidamo Hub Iyo Gaadiid Kala Baxsaday Tukaraq

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay Xukun dil toogasho ah ku riday 7 Askari oo lagu eedeeyey in ay hub iyo Gaadiid kala baxsadeen deegaanka tukaraq oo ay isku-horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo soomaaliland.

7 Askari ee Xukunka lagu riday ayaa ka maqnaa Maxkamada kadib markii ay baxsadeen,waxana Saraakiisha Maxkamada ay sheegeen in markii gacanta lagu soo dhigo xukunkaas lagu fulin doono.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta  Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in Askartaas lagu riday Xukunka dilka toogashada ah,kadib markii Maxkamadu ay dhageystay dooda edeymaha iyo tan difaaca Qareenka eedeymaha iyo qiimaha Gaadiidka iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dilka toogashada ah.

Ciidamada Puntland ka tirsanaa ee Xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay sidaan.

Gaba gabadii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland mashaacin halka ay u baxsadeen Askarta 7 gaareysa ee hubka iyo Gaadiidka la baxsaday,isla markaana ay xukunka dilka ah ku rideen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta  Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads