Dhageyso:-Taliye Tareedishe”Howlgal Ayaan Ku Dilay 80 Ka Tirsan Al-Shabaab”iyo warar kale oo shegaayo…

Taliyaha Guutada 52aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey howlgal ciidamada dowladda ka sameyeen qeybo ka mid ah gobolkaas.

Jeneraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa waxa uu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Moqakori ay ku dileyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Mudo Afar Bilood ah oo ciidamada Qaranku howlgal ka wadeen degmada Moqakori iyo tuuloyinka hoostaga,iyaga oo ka jawaabayey amarkii madaxweynaha,runtii guulo waaweyn ayaan ka gaaarnay,laakin xeelad dagaal ayaana uga soo baxnay degmada Moqakori ayuu yiri Taliye Tareedisho.

Sikastaba in kastoo taliyaha uu sheegay in ay guulo ka gaareen howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan aya hadana degmada Moqakori waxa ay noqotay mid ay isku bed bedelaan gacan ku heynteeda Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads