DHAGEYSO:Ciidamada xasilinta caasimada oo dhacdooyin xanuun badan ka bilaabay Muqdisho iyo masuuliyiin la jir dilay

Ayadoo mudooyinkii ugu danbeyse ciidamo gaar ah oo loo bixiyay xasilinta caasimada magaalada muqdisho ka sameynayeen howl galo lagu sugaayo amniga caasimada ayaa haatan bilaabay dhacdooyin aan hore loogu aqoon.

Ciidamada ayaa bilaabay dhacdooyin siweyn looga hadal haayo caasimada kuwaasi oo shacabka ka muujiyeen cabasho xoogan ayagoo fariin warbaahinta u mariyay madaxda ugu sareyso dalka si wax looga qabto.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

Falalka sida weyn looga cabanaayo ee ciidamada geesanayaan ayaa ah jirdil u geesanayaan shacabka isticmalaayo wadooyinka caasimada waxaana kamid ah shaqsiyaadka jir dilka loo geystay wariyaal iyo masuuliyiinta ururada bulshada oo shacabka caan ka ah.

Qaar kamid ah shaqsiyaadka loo geystay jir dilka ayaa ka warbixiyay qaabka ciidamada ula dhaqmeyn iyo waxyeelada soo gaartay waxaana oo sheegay in dhaawacyo lasoo gaarsiyay jirkiisa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads