DHAGEYSO:Toban qof oo si kadis ah ugu dhintay Wabiga Shabelle kadib markii doon ee…

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Raqiley oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose waxaa halkaasi ku rogmatay doon dad ay la socdeen.

Doontaan ayaa waxa ay ka ambabaxday Magaalada Afgooye, waxaana ay ku sii jeeday Degmada Awdheegle.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Raaqiley ayaa Warbaahinta u sheegay in doonta ay gadoontay xilli ay mareysay meel ku aadan deegaanka Raaqiley, waxaana saarnaa doonta ku dhawaad 20 ruux iyo raashin.

Markii doonta ay rogmatay ayaa dadkii qaarna ay ku dabaasheen wabiga halka qaar kalena gurmad loo fidiyay ugu dambeyn lagu soo badbaadiyay.

Qofkaan ka tirsan dadka deegaanka Raaqiley ayaa wuxuu sheegay in la waayay todobo ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta kuwaasi oo markii dambe shalay galab la xaqiijiyay inay geeriyoodeen.

Deegaanka Doonta ay ku rogmatay ayaa wuxuu u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo deegaanka Bariire, dadka ma shaqadan qabsatay ayaa waxa ay ka soo adeegteen Degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabellaha hoose C.fatax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka amuurta dhacday.

Illaa hadda si cad looma oga sababta rasmiga ah ee doonta ka dambeysay inay rogmato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here