DHAGEYSO:Warar dheraad oo kusoo kordhay geerida Wariye Hani Xaaji iyo askarta Turkiga oo wado baaritaano iyo warar qaar oo shegaayo…

Ayadoo maalinimadii shalay si kadis ah ugu geeriyooday mid kamid ah isbitaalada magaalada Istanbul ee caasimada labaad dalka Turkiga wariye Hani Xaaji Maxamed ayaa haatan warar dheraad ah kasoo baxayaan.

Xaafada ay ka degneyd magaalada Istanbul ayaa lasheegayaa in baaritaan ay wadaan ciidamada booliska ee degmadaas iyo waliba dhaqaatiirka ayadoona la baraayo sababihii ugu geeriyooday.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Ciidamada ayaa su aalo weydiyay gabdho ay wada seexan jireen qol kuwaasi wariyada iyo sababaha u geeriyootay iyo waxyaabaha ay la wadaagtay inta ay dhiman kahor.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyska ay la degneyd Hani Xaaji Maxamed ayaa sheegay in xanuun mudooyinkii u danbeyse haaye balse xaaladeeda caafimaad ahayd mid soo hagaageyso.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Istanbul halkaas oo haatan kasocoto qaban qaabadeeda sida oo xaqiijiye wariye Salmaan Jamaal.

Si rasmi ah looma shaacin sababta ugu geeriyootay wariye Hani Xaaji Maxamed wallow ay soo baxayaan warar kala duwan balse laga war dhoraayo natiijada kasoo baxda baaritaanka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads