DHEGAYSO-Ganacsatada iyo Dhalinyarada Reer Somaliland ee Kunool Garoowe oo Si Wada Jir ah Ugu Dhawaaqay.

Dhalinyarada iyo ganacsatada ka soo jeeda deegaamada Soomaaliland islamarkaana ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hadalo dhowaan ka soo yeeray Eng Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID-Somaliland.

Gudoonka dhalinyarada iyo ganacsatada reer Soomaaliland ee ku sugan Puntladn oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegeen in Faysal Cali Waraabe uu doonayo inuu isku dhufto labada bulsho ee kunool Puntland iyo Soomaaliland.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa ay sheegeen in arrimaha siyaasadeed iyo dagaalada ka socda Tukaraq aysna wax saamayn ah kuyeelan doonin arrimaha bulshada ayna soo dhoweyn iyo dhaqan wanaagsan kala kulmeen shacabka Soomaaliyeed ee kunool deegaamada Puntland.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com