Puntland oo amartay in Hawada laga saaro Telefishinka maamulka Somaliland…

Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Maamulka Puntland ayaa amar ku siiyay shirkadaha DSAT oo fadhigoodu yahay magaalada Garawe in ay hawada ka saaraan telefishinka Maamulka Somaliland ee SLNTV .

Shirkada ayaa lagu amray in Kanaalada Box-kooda ku jira ay ka saaraan Telefishinka ku hadla afka maamulka Somaliland sida ugu dhaqsiyaha badan , waxaana arintan kusoo aadeysa xili Somaliland iyo Puntland u dhaxeeyo dagaal toos iyo mid afka ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads