SAAWIRO: Madaxweyne Trump & dhigiisa Kim John-un oo kala saxiixday Hishiiis taariikhi ah kana kooban 4-qodob..

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo kulan taariikhi ah ku yeeshay dalka Singapore ayaa qalinka ku duugay heshiis nabadeed.

Arrintaas ayaana lagu tilmaamay mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

Labada masuul ayaa isku salaamay hotel ku yaalla jasiiradda Sentosa ka hor intii aysan wada hadalka billaabin.

heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa.

1-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

2-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

3-Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

4-Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads