SAWIRO: Wararkii Ugu Dambeeyay Safarka Taliyaha Ciidanka X.D.S uu maanta ku tagay Kismaayo…

Magalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga adlka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,iyada oo intaasi ka dib loo la geeyey Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe),iyaga oo ka wada hadli doona dardar helinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale taliye Gorod ayaa waxa uu booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magalada Kismaayo iyo deegaanada kale si uu ugu kuurgalo xaaladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here